Waxaa ku dhimatay 19 Ruux, 50 kalana waa
ay ku dhaawacmeen weerar la rumeysan yahay in uu ahaa mid
aragagixiso oo ka
dhacy saaxada lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada
Manchester ee dalka Ingriiska.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay
maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga
qaadeysay fannaanadda Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay
Mareykanka.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen
qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala saaxadda.
Boosteejada tareenada Manchester Victoria
oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay
dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.
Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse
ra'iisal wasaaraha Britain, heresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan
inuu yahay mid argagixisnimo.
Warar aan la xaqiijinin oo laga soo
xigtay s mas'uuliyiin aan magacooda la asheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in
qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.
Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa
sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta,markii uu
soo kacay na uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.
Waxaana goobta isku gedaamay ciidamada
booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo a xiray waddada marta halka uu qaraxa ka
dhacay.
Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay
ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen
halkii lgu qabanyay bandhig faneedka.
Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa
halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri
'' qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana
waxaa uu isku dayay inuu baxsado''.
Majid waxaa kale oo uu yiri ''wuxuu ahaa
hal qarax oo qof walba oo joogay dhinaca kale ee laga maqlay qaraxa waxaa uu
usoo cararay halkii an joognay iyagoo isku dayaya inay ka baxaan goobta''.
Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana
kala qeyb galay walaashi ayaa yiri: ''dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta
oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado''.
''Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay
jihooyin kala duwan u cararayeen'', ayuu sii raaciyay Oliver.