Showing posts with label DHACDO. Show all posts
Showing posts with label DHACDO. Show all posts

Sheeko Xiiso leh:Boqorkii soo dhaweynta jeclaa!



Waxa jiri jiray boqor jecel in uu kolba meel soo booqdo , waxaanu jeclaa meel kasta oo uu tago , in bulshadu u soo baxdo oo aad iyo aad u soo dhawayso , oo imaatinkiisa u dabbaal degto .

maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu boqorkii soo booqday tuulo yar , shicibkiina way u soo bexeen si ay boqorkooda u soo dhaweeyaan , waxa uu boqorkii arkay , koox odoyaal iyo wax garad isugu jirta oo meel halkaas ah iska fadhida , oo aan dan iyo daarrad toona ka lahayn soo dhaweynta boqorka , inta uu xagoodii u kacay ayaa waxa uu waydiiyay waxa ay u soo dhaweyn waayeen boqorka , intaanay u jawaabin ayaa boqorkii waxa uu gartay nimankii meesha fadhiyay qaarkood , wuxuu waydiiyey :

waar miyaanad hebel ahayn ? maxaa meeshan ku keenay ?

waar adiguna miyaanad ahayn mujaahid hebel ? maxaa meeshan ku keenay ?

waar adiguna miyaanad ahayn GEN hebel ? maxaa meeshan ku fadhiisiyay ?

al-lah waar adna maxaa meeshan ku keenay ?

maxaa meeshan miyiga ah isugu kiin keenay ?

maxaadse ii soo dhaweyn waydeen ? miyeydaan igaranayn ?

Boqorkii dalkanaw muddo dheer ayaa isugu keen danbaysay, waanu ka quusanay in aanu kula kulano , ilaa iyo maalintii aad xukunka dalka qabsatay , mid aan isku deyin in uu kula kulmo ma jiro , laakiin wasiirkaaga boqortooyada ayuun baa albaabka noo fadhiistay , waanu noo kaa siin deyn waayey . Waraaqo badana waanu kuu soo qornay wax jawaab ahna kaamaanu helin , kabacdina waxaanu ogaanay , in uu wasiirkaaga boqotooyadu isagu postaada furo , oo wixii uu doonaayo uun ku soo gaadhsiiyo , wixii aanu doonayna qashinka ku rido.

Dadkan aad moodayso in ay ku jecelyihiin ee kaa horyimi si ay kuu soo dhaweeyaan , wasiiradaadda ayaa soo laaluushay , oo waxay ugu balan qaadeen , haddii aad boqorka u soobanaan baxdaan oo aad soo dhaweysaan , waxaanu idinsiin doonaa , QADO BILAASH AH , shicibkuna wuu baahan yahay , oo wuu darxumaysan yahay , oo darxumada iyo dhibaatada ka muuqata waad aragtaa , oo dushoodaad ka garanaysaa , waxaana intaa u dheer  fakhri , gaajo , jahli , shaqo la’aan , iyo rajo xumo . caddalad darro , dulmi , xadhig , hanjabaad ….iwm .

Adigana booryahaw , dalka iyo dadka war aad ka haysaa ma jirto , oo niman shufto ah , ayaa isku kaa xeeray oo aan ogolayn cid wax kuu sheegta ama wax kula socodsiisa , waxa ay iyagu doonayaan mooyaane .

Boqorkiibaa yidhi : wixii lasheegaayey ayaa run ah ?

Oo maxay kuu sheegeen ?

waxa la lahaa : hebel wuu ku neceb yahay , Hebel;na jabhad kugu kacsan buu hogaamiyaa , Hebelna meelahaas buu kaa caayaa , Hebelna dalkaba wuu kaaga tegey baa la yidhi .

Waxaas oo dhan waxba kama jiraan , ee markii aanu waxba dalka ka qaban kari waynay , ee aanu waynay cid aanu u cabano , ama arimahan khaldan aanu u sheegno , oo wax ka qabata , ayaanu waxaanu door bidnay inaan laynaga dhex faa’ iidaysan , oo aanu sidan door bidnay , oo meeshan iska soo qabanay , laakiin waa nasiib wanaag , haddii qaddarku maanta noo kaa keenay , ee bal maanta wax naga dhegayso talo iyo tusaaleba .

Berigii aynu dib xoreynta dalka ku wada jirnay waxaad nagu odhan jirtay : marka aynui dalka dib u xorayno , waxaynu samayn doonaa in CADDALAD , DIMUQRAADIYAD , SINAAN , WALAALTINIMO, MIDNIMO la wada helo .

Hadaba wixii aad noo sheegi jirtay oo dhan lagaama hayo , maxaa ku dhacay ? xaggay wax ka khaldameen ? welina waa lagaa sugayaa ? anan waanu kaa sugaynaa weli balan qaadyadaadii ?

Boqorkii inta uu aad u yaabay , ayaa waxa uu wasiirkiisii boqortooyada ku yidhi : waar nimankan meel u bannee weftiga hasoo raaceene .

wasiirkii boqortooyada inta uu hoos u hadlay a, ayuu yidhi waayahay , kabacdina wuxuu yidhi markii uu boqorkii libdhay , waar meel banaan oo aan idinku qaado mahayo iminka , ee weftigu marka uu soo noqdo haynoo ahaato , waan idinsoo mari doonaaye .

Ninkii wax garadka ahaa intuu boqorkii isku sii daayey ayuu ku yidhi : waxaad ogaataa , boqorkii kaa hereeyay intuu maalin halkan soo maray , ayuu ku dhintay , oo xabaalahaa halkaa ka muuqda ayaa lagu aasay , maalmo yar ka bacdina waxaa dhintay nin miskiin ahaa oo waalaa oo magaaladan joogi jirey isna xabaalahaa ayaa lagu aasay , Muddo yar kabacdina waxaa dhacay roob mahiigaan aha , oo xabaalihii soo faqay ,






July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliya

July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka
Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa  Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].