Waxaa lasoo gabagabeeyay
shirka London ee loo qabtay Somalia, kaasoo looga hadlayay arrimaha amniga iyo
dhaqaalaha, iyadoo qodobo muhiim u ah Somalia ay kasoo baxeen shirkaasi oo
marti gelineysay dowladda Ingiriiska.
Madaxda
ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo
sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu'uuliyadda
ammaankeeda
Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda
ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu
tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.Ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa
May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka
loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.
Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn
karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo
dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan
jira laguna salaynayo qaabka federaalka.
'' Heshiiska
dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa
heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo
maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli
doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa'' ayay tiri, ra'iisal wasaaraha
Britain.
Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda
dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa
ku baaqay in 400 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo
gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya
ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.
Dadaalada
kala duwan ee ku aadan dhismaha ciidan qaran
Britain ayaa dhawaan magaalada Baybdho ka billaabi
doonto barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
Isku Taga Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu isna dhiso
xarun casri ah oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya,
Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa
ciidmada Danab,
Turkiga ayaa isagana wada tababaridda siinaya
sarakiisha ciidanka Soomaliya.
Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda
cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.
''Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran
soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u
leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan
cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii'' ayuu yiri madaxweynaha.
Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la
shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi
gebi ahaanba meesha looga saari lahaa
Abaaraha
Madaxweyne
Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay
sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay
dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.
Farmaajo
ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo
uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo
gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.
Madaxweyno Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in
abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii
Nofembar ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka
dhacdo xaalad bani'aadanimo iyo sidoo kale in diiradda la saaro sidii looga soo
kaban lahaa abaarta.
Dowladda Britain
ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka go'antahay in ay ka hortagto in Soomaaliya ay
macaluul ka dhacdo, ayna ku baaqeyso in la kordhiyo kaalmada bani'aadanimo ee
Soomaaliya.
Waxaa jirta cabsi
ah in haddii xaaladda Soomaaliya aan hadda wax laga qaban ay dhici karto in ay
dib ugu laabato colaad hor leh.
Saameynta abaarta
ka jirta dalka ayaa waxaa ka dhashay nafaqadarro aad u baahsan, iyada oo ay sii
kordheysa khatarta ay wajahayaan carruurta.
Hay'adda dhallaanka u qaabilsan Qarmada Midoobey ee
UNICEF ayaa sheegeysa in qiyaastii 1.4 milyan oo carruura ah ay hayso
nafaqadarro amaba ay qarka u saran yihiin xaalad nafaqadarro.
Ku dhawaad 40,000
oo carruur ah ayaa joojiyay in ay xaadiraan fasallada sababo la xiriira
abaarta.
Qiyaastii 6.2
milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar aadannimo, iyadoo 1.5 milyan
oo ka mid ah ay yihiin haweenka nugul, waxana feejignaan gaara in la siiyo u
baahan 130,000 oo haween uur leh.
Abaaraha sii
kordhaya meelaha qaar, barakaca ka dhasha khilaafyada hubeysan ayaa keena
baahiyo deg deg ah.