Madaxda lagu
casuumay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha,
Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka
Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka
iyo safiirada dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho.Masuuliyiinta
munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka
Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha
kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka
hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha,
Dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Ku simaha
Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed
Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha
Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas, “Waxaan ugu hambalyeynayaa
Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay
markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda
wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha
Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac
kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo
wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan
dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.
Safiirka
Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay
Munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir soo
jireen ah, Dowlada Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic,
oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta
ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo
Mashaariicyo kale, sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay in arday badan
oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen
sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca
kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda
hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad
ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka
Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.
|