Ciidanka Danab ee xoogga dalka ayaa saakay
Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga degmada Marka ee xarunta gobolka
Shabeellaha Hoose.
Howlgallo
amniga lagu xaqiijinayo ayay iminka ka wadaan gudaha deegaanka Ceel Saliin oo
ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka waqooyi 20-KM kaga beegan magaalada
Marka.
Saraakiisha
ciidamada ayaa sheegay in dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen ciidamada, iyagoona
dhageystay afkaartooda iyo baahiyaha ay qabaan.
Muddooyinkan
dambe gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah
Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo
shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo.