Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo
ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan,
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis,
kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa
halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo
Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha
argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida,
waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo,
islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah
inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish iyo kuwa la
halmaala,
isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.
isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.
Trump, ayaa sheegay in
Maraykanka uu doonayo Waddamo isbahaysi ah, kuwaa soo wadaaga hadafka ah cirib
tirka xagjirnimada, wuxuuna taa ka yiri:-“Tani ma aheyn dagaal u dhexeeya diimo
kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan, ee tani waa dagaal
u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha
aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u
baahan in la ilaaliyo”.
Waxaase
xusid mudan in Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka
dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan
adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah”, kaasoo ah
mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu
hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan
argagaxisada, wuxuuna yiri “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha
Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan”.
Shirkaasi
ayay Wadamada Islaamku aad ugu dhegataagayeen waxa uu ka dhihi doono
Madaxweynaha Wadanka Maraykanaka oo lagu yiqiin hadallo meel ka dhac ku ah
Dadyoowga Islkaamka, balse waxa uu la yimid arrimo taasi ka duwan waloow lagu
yaqaan Nin isbed-bedel badan.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah
ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay
Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo
khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane
Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo
casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.