Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa maanta weerar ku qaaday akoonka Twitter ee kooxda iyagoo ka mudaharaadaya milkiilayaasha kooxda ee qoyska Glazers.
Taageerayaasha Red Devils ayaa aad uga careysan sida loo maalgelinayo kooxda iyo go’aanada ilaa iyo haatan la qaatay.
Waxaana taasi hoosta ka xariiqday Man United oo aan weli wax la taaban karo ka sameynin suuqa kala iibsiga.
Manchester United ayaa kaliya la soo wareegtay da’ yarka reer Wales Daniel James oo ay ka soo iibsadeen kooxda Swansea inkastoo lala xiriiriyay xiddigo badan oo waa weyn.
Taageerayaasha ayaana ka daalay sida kooxda loo maamulayo iyagoo ku eedeeyay Ed Woodward iyo qoyska Glazers inay kooxda hoos u rideen tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka fariistay shaqada.
Maanta mar walba oo qoraal ama sawir la soo dhigo bogga rasmiga ah ee ay Man United ku leedahay Twitter waxaa looga jawaab celinayay hal ku dhiga #GlazersOut oo ay ugala jeedaan, Glazers ha baxaano.
Maanta kaliya Red Devils waxa ay Twitter soo dhigtay warbixin ku saabsan hay’adeeda tabarucaada, Victor Lindelof iyo Scott McTominay, waxaana mid walba looga jawaab celinayay in milkiilayaasha ay iska iibiyaan kooxda.
Taageere ayaa soo qoray: “Solskjaer waxaa la siiyay kaliya 100 milyan uu xagaagan suuqa ku kale. Kooxdaan waxaa maamulo doqomo. Glazers ha baxaan.”
Inta kale waxay ku soo celcelinayeen “#GlazersOUT”