Laacibkii hore xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Fernando Morientes ayaa xaqiijiyay inay aad ugu adag tahay ciyaaryahan kasta ee addunka ah inuu booxiyo booska Cristiano Ronaldo ee Los Blancos.
Fernando Morientes ayaa ka hadlay heshiiska uu xiddigii hore kooxda Chelsea ee Eden Hazard ku yimid Real Madrid, wuxuuna qiray in laacibka reer Belgian uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka.
Si la mid ah Fernando Morientes ayaa sheegay in Eden Hazard uusan awood u laheyn inuu buuxiyo booska uu kaga baxay Cristiano Ronaldo kooxda Real Madrid, wuxuuna codsaday inaanan la sameynin isbar-bardhiga ciyaartoyda.
Morientes ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Ma jiro ciyaaryahan kale ee qaadan kara booska Cristiano Ronaldo, arinta waa mid xiran taariikh weyn, ujeedka Hazard ma ahan inuu buuxiyo booska Ronaldo ee kooxda Real Madrid”.
“Eden Hazard waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, ee ma ahan wax haatan ku saabsan Ronaldo, waa in xili ciyaareedkiisa ugu horeeya uu isku muujiyaa si fiican, isla markaana uu soo bandhigaa wax walba ee awoodiisa ah, si uu kooxda u caawiyo, marka laga soo tago isbar-bardhiga”.