Xiddiga
kooxda Liverpool ee reer Guinea ee Naby Keïta ayaa
sheegay inuu ku kalsoon yahay awooda xulkiisa qaranka iyo inay layaab weyn ka sameyn karaan Koobka Qaramada Afrika 2019.
sheegay inuu ku kalsoon yahay awooda xulkiisa qaranka iyo inay layaab weyn ka sameyn karaan Koobka Qaramada Afrika 2019.
Xulka qaranka Guinea ayaa
qeyb ka ah Goup-ka B ee Koobka Qaramada Afrika 2019 oo marti galinaya Masar,
iyadoo Group-kan ay ku wada jiraan xulalka Nigeria, Burundi iyo Madagascar.
Naby Keïta ayaa wareysi uu
bixiyay wuxuu sheegay:
“Waxaan rajeynayaa inaan la
ciyaarno xulalka Masar iyo Senegal kulamada bug baxda, isla markaana aan la
kulmo saaxiibadeey kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax iyo Sadio Mané”.
Intaas kaddib Naby Keïta
ayaa la weydiiyay su’aal ah suurtogalnimada uu xulka qaranka Masar ugu
guuleysan karo Koobka Qaramada Afrika 2019, maadaama ay sanadkan iyaga
martigalinayaan wuxuuna yiri:
“Oo maxaad u dhihi weysay
Guinea waa xulka ku guuleysan kara koobkan? Kama awod yarin sida xul kasta ee
kale”.
“Xulka
ugu fiican, iskuna dheelitiran waa kan ku guuleysan doono Koobka Qaramada
Afrika 2019, waxaan guul u rajeenayaa xulkeyga iyo dhamaan xulalka kale”.