Booliska ayaa sheegay
in ninkii qaaday weerarkii Westminster, Khalid Masood, aan cid kale ka dambeyn
ee uu keli ku ahaa falkaas, isla markaana aanay jirin xog dheeraad ah oo
muujinaysa inuu damacsanaa inuu weerarro kale qaado.
Ku
xigeenka kaaliyaha taliyaha ciidanka booliska, Neil Basu, ayaa yidhi "Waa
in aynu dhamaanteen aqbalnaa in ay suurto gal tahay in aynaan ogaan karin
sababtii ku kaliftay inuu falkan geysto".
Afar
qof ayaa dhintay 50 kalena way dhaawacmeen ka dib markii Masood uu baabuur
jiidhsiiyey dadka ka hor intii aanu tooriyeynin askari boolis ah.
Qoyska
askarigaa dhintay oo la odhan jiray Keith Palmer ayaa sheegay in
geesinimadiisii aan la iloobi doonin.
Boolisku
waxay sheegeen in Masood oo 52 jir ahaa ay hore maxkamadi ugu heshay dambiyo,
laakiin aan kuwaa midkoodna ahayn dambi argagixiso la xidhiidha iyo inuu sidoo
kale adeegsan jiray magacyo badan oo been ah.
Wuxuu
ku dhashay Dartford, Kent waxaana warqadiisa dhalashada magacii loogu qoray
ahaa Adrian Elms, laakiin markii dambe wuxu qaatay magacii nin ay hooyadii mar
dambe guursatay oo waxa caruurnimadiisii magaciisu noqday Adrian Ajao.
Sanadihii
2000 ayaa lagu helay dambi lagu soo oogay oo ahaa in uu qof si arxan darro ah
dhaawac ugu geystay oo uu toorray nin wejiga kala dhacay ka dib markii ay isku
af-dhaafeen meel khamriga lagu cabo dhexdeeda.