Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb
gelay Munaasabada lagu daah-furay duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo
diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhooftay magaalada Muqdisho kana
dagtay Nairobi iyadoo aan sii marin Wajeer.
"Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku
sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya
Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushmadda
iyo qaddarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed" ayuu yiri R.wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay
muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah,
maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn
karo oo aan la sii marsiin meelo kale.
Dowladda Kenya ayaa sanaddii 2006 soo rogtay in dhamaan
diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee
Wajir si baaritaan loogu sameeyo.
Soomaaliya
ayaa in muddo ahba isku dayaysay inay Kenya ku qanciso qaadista xayiraadda
duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
Kenya ayaa horay u sheegtay in tallaaabadaasi ay uga gol lahayd
inay kaga gaashaamato khatarta kooxda Al Shabaab.
Waxaa arrintani si diiran u soo dhaweeyay rakaabka oo muddo aan
saacad ka badanyn ay ku qaadaneyso wixii hadda ka dambeeyo duulimaadkooda
Muqdisho iyo Nairobi. Saaacad dheeraad ayay ku hakan jireen Wajeer si baaritaan
loogu sameeyo.