Golaha
wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay
kulankoodii ugu horreeyey kadib markii uu shalay ansixiyey baarlamanka.
Shirka
golaha wasiirada ayaa waxaa guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan
Cali Kheyre, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin abaaraha
iyo amniga.
Kheyre
ayaa wasiirada amray inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka
mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, aamin ah, ayna soo bandhigaan
macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo
sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.
Shirka
maanta ayaa dhacay ayada oo dhowr hoobiye ay ku dhaceen xaafado ku dhow xarunta
madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmay toddoba qof.