Kumanaan qof ayaa ka qayb galay dibad baxyo dalka oo dhan ka
dhacay oo dalbanayey in ra'isal wasaare Dmitry Medvedev is casilo ka dib markii
ay soo baxeen eedo la sheegay oo musuqmaasuq ahi.
Ugu yaraan 500 oo kale oo mudaharaadayaal ah ayaa lagu xidhay
caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
Dibad baxyada badankoodu waxay ahaayeen qaar sharci darro ah
maadaama oo la soo abaabulay iyada oon ruqsad sharci ah loo qaadan.
Sawiro Telefishan ayaa muujiney dadka bannaan baxayey oo ku
dhawaaqayey " Putin ha dhaco", "Ruush bilaa Putin ah" iyo
"Putin waa tuug".
Warfidiyeenku waxay sheegayaan in isku soo baxyadan la moodo
kuwii ugu waawaynaa ee dalka ka dhaca tan iyo mudaharaaddadii dawladda lagaga
soo horjeeday ee sanadihii 2011 iyo 2012.
Banaan baxyadu waxay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka Saint
Petersburg, Vladivostok, Novosibirsk, Tomsk iyo dhawr magaalo oo kale oo la
sheegay in dad lagu xidh xidhay.