Zeid Ra'ad al-Xuseen ayaa dhinacydan ugu baaqay inay masuuliyad
iska saaraan ilaalinta iyo difaaca dadka rayidka ah marka ay dagaallada kula
jiraan Daacish.
Dagaaldlaasi ayaa waxay hadda ka socdaan galbeedka Mosul.
Sarkaalkan ayaa
sheegey inuu aad uga xun yahay dadka shacabka ah ee ku nafwaayey dagaalada
Mosul waxuuna dalbaday in lagu sameeyo baaritaan ballaaran sida dad rayid ah oo
ku dhow 350 qof ay ku dhinteen tan iyo bishii la soo dhaafay ee February.
Waxa
uu sidoo kale cambaareeyay xeeladaha ay adeegsato kooxda Daacish sida inay
dadka rayidka ah ka dhigato gabbaad iyo inay layso dadka doonayo inay ka
cararaan magaalada.
Hay'adda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa horay
ugu eedaysay Isbaheysiga uu Mareykanku hoggaaminayo inay ku guuldarreysteen
inay ka baaqsashada waxyeelada dadka rayidka ah marka ay la dagaalamayaan
kooxda Daacish.
Ciidammada isbaheysiga wali kama aysan hadlin eedayntan u
dambeysay balse horay ayay u sheegeen inay sameyn doonaan wax kasta oo suuragal
ah si ay uga baaqsadaan inay dhibaateeyaan dad rayid ah.
Xooggaga
taabacsn dowladda Ciraaq ayaa billaabay duullaanka ay doonayaan inay magaalada
Mosul dib uga qabsadaan kooxda 'dowladda Islamaka' shan bilood ka hor.
Mosul waa magaaladii u dambeysay ee wali ku harsan gacanta Kooxdan oo
cadaadis badan la kulantay bilooyinkii la soo dhaafay.