Devin Nunes,
oo waraysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in sidoo kale aanay jirin
caddeyn muujineysa in madaxweynihii hore ee Barack Obama uu amray in si
qarsoodi ah loo dhagaysto dabaqa Trump Tower.
Mr Nunes
ayaa hadalkan sheegay ayadoo maalinta beri ah uu agaasimaha FBI, James Comey,
hortagi doono guddigaasi, si uu uga jawaabo su'aallo ku aaddan in Ruushka uu
farageliyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.
Mr Nunes
ayaa dhanka kale sheegay in uu ka walaacsan yahay eedeymaha ah in sirta qaranka
Maraykanka loo dusiyo warbaahinta, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay dembi
baaritaan u baahan.