Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur
goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh kulan gaar ah oo ay uga
arrinsanayaan sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida.
In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku
barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah
barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay
hay'adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u heli
doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah
ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya,
Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.
Qabashadan kullankan IGAD oo ay sidoo kale
riixayso hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka
ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu
qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.