Dhamaan wadamada haysta hubka nukliyeerka iyo ilaa afartan wadan
oo kale ayaan kasoo xaadirin kulankii arrinkan lagu gorfeynayey.
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey, Nikki Haley,
ayaa sheegtey in amaanka dalkeedu nukliyeerka u baahan yahay maadaama ay jiraan
waxa ay ku tilmaantay dalal hubkaa haysta oo aan la aamini karin. Ms Haley
waxay intaasi raacisay wax lala yaabo mey ahayn in Iran ay taageerto hishiiskan
iyo in aanay cidina fileyn in Kuuriyada Waqooyi ogolaato heshiis noocan ah.
Danjiraha Ingiriiska ee Qaramada Midoobey Matthew Rycroft ayaa
isaguna sheegey in qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo heshiis noocan oo
kale ah ay tahay in talaabo talaabo looga wada xaajoodo.