Xog
laga helay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka sheegay in tallaabadaasi
ay saameyn ku yeelan doonto sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga
toban garoon oo ku yaalla dalkaasi.
Ka
hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda
Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato
gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho.
Baarayasha
ayaa waxa ay sheegeen in qof ka tirsanaa rakaabka oo diyaaradda soo dhacay uu
sitay bam lagu soo rakibay laabtoob.
Duuliyihii
diyaaraddaasi ayay u suurtagashay in uu diyaaradda soo dejiyo, waxa uuna
sheegay in qofkii bamka sitay oo kaliya uu ku dhintay qaraxaasi.
Xaalad noocaasi oo
kale ah ayay u dhowdahay in mukhaabaraadka Mareykanka ay hadda ka cabsi qabaan.
Waxa
ayna ku amreen diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada
siddeed dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku
shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa
lagu ciyaaro.
Dadka
rakaabka ah ayaa wali loo ogolaanayaa in ay diyaaradda la raacaan
taleefoonadooda.
Shirkadaha
diyaaradaha ayaa sida la sheegayo waxa ay heystaan muddo afar maalmood ah in ay
amarkaasi ku dhaqan geliyaan