Xogahayaha Arimaha dibedda ee
Maraykanka Rex Tillerson aaya magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha dalka
Turkiga, Tayyip Erdogan.
Wadahadalka labada mas'uul ayaa
diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo
kooxda la magac
baxday Dowladda Islaamka.
Mr Tillerson ayaa sheegay in labada
dal ay iska kaashan doonaan sidii loo xasilin lahaa goobaha laga saaray kooxda
Daacish.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka
Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisa uu uga xun
yahay xiriirka uu Mareykanku la leehay dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee ku sugan
Suuriya.
Cavusoglu, ayaa ka hadlayay shir
jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee
Mareykanka.
Kulankooda ayaa ku soo aaday maanta
oo Qaramada Midoobay ay shaacisay in shan milyan oo qof ay gaartay tirada dadka
ka soo qaxay dalka Suuriya tan iyo markii ay billaabatay collaada dalkaasi.
Xiriirka Maraykanka iyo Turkiga
ayaan wanaagsanayn 8-dii bilood ee la soo dhaafay.
Turkiga ayaa cadaadis ku saarayo
Mareykanka in uu gacanta u soo geliyo wadaadka Fethullah Gulen, oo haatan ku
nool gobolka Pennsylvania.
Xukuumadda Turkiga ayaa Fethulah
Gulen ku eedeynaysa in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay, inkastoo
sirdoonka reer Yurub ay arrintaasi shaki gelinayaan.
Maraykanka waxa uu ku adkaysanayaa
in go'aanka ah wadaadkan gacanta loo geliyo Turkiga uu yahay go'aan u yaala
maxkamadaha oo aanu ahayn go'aan siyaasadeed.
Wasiirka Caddaalada ee dowladda
Turkiga Bekir Bozdag ayaa mar sii horreysay si carro leh u naqdiyay xariga
loogu geeystay Maraykanka nin bankiyada Turkiga ka shaqeeyo.
Mehmet Hakan Atilla oo madax ka ah bangiga ay
dowladda Turkigu leedahay ee Halkbank ayaa wajahayo eedeymo ah in uu ka caawiya
Iiran in ay ka dhuumato Cunaqabeeynta la saaray.