Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta magaalada
Muqdisho ka dejisay diyaarad sidey hal tan oo raashiin nafaqeysan ah oo loogu
talagay dadka ay abaaruhu ku saameyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar
ahaan caruurta nafaqo darrada la ildaran.
Gargaarka rashiinka ah ayeey madaxda hay’addu maanta
ku wareejiyeen guddiga gurmadka qaran ee abaaraha Soomaaliya si uu ugu qeybiyo
dadka tabaaleysan ee u baahan gargaarka.
Dadka ay abaartu ku dhufatay ayaa qaar badan oo ka
mid ah waxa ay la il daran yihiin xanuuno ka dhashay abaarta, kuwaaso ay
qaarkood u dhimanayaan xanuunadaasi.
Turkiga waa mid ka mid ah dalalka sida weyn u
caawiya, Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyey ay saameyn xooggan ay ku
lahaayeen.
Dowladda Turkiga ayaa dhowaan sheegtay in tan iyo sanadii 2011 ay
Soomaaliya ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo dollar.