Xaakim ka tirsan
Federaalka Maraykanka oo jooga Hawaii ayaa wakhti aan la cayimin kordhiyey inay
sii jirto hakinta amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal
oo Islaam ah.
Xukunka xaakim Derrick
Watson ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Mr Trump laga hor joogsado dhaqan galinta
mamnuucista socdaalka ee Mr Trump inta maxkamadaha la isla marayo.
Xaakim Watson ayaa
xukunka soo saaray Arbacadii, ka dib markii uu dhagaystay doodda qareennada ka
kala socday gobolka Hawaii iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.
Go'aankiisii hore ee
ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhaqan gelinta xayiraadda ayuu ka daba keenay amar
ah in aan la dhaqan gelin xayiraadda ilaa iyo inta kiiska go'aan laga gaarayo.
Madaxweyne Trump ayaa
6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya
muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, 120 maalmoodna
mamnuucaya qaxootiga