Dagaalamayaasha
kooxda Al Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud,
ka dib markii ciidammada Itoobiyaanka ee halkaa ku sugnaa muddo seddax sano ah
ay isaga baxeen.
Guddoomiyaha
degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa srrin naxdin leh ku tilmaamay ka
bixitanaka ciidammada itoobiya.
Dagaalyahanada
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay hadda gudha u galeen magaalada Ceelbuur.
Ciidamada
Itoobiya ayaa seedax sano ka hor magaaldaasi kala wareegay kooxda Al-shabaab
Bartamihii
bishii September ee sandkii hore ciidammada Itoobiya waxay banneeyeen deegaanka
Moqokori ee isla gobolka Hiiraan iyadoo markiiba ay qabsadeen Al-Shabaab.
Sidoo kale
ciidamada Itoobiya waxa ay ka guureen tuulooyinka Rabdhuure, Buur dhuxunle, iyo
Garasweyne oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.
Dhinaca
Galgaduud Itoobiyaanku waxay sanadkii hore ka guureen Galcad iyo Budbud.
Ma jiro war
ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ama kuwa Soomaalida oo ku
aadan ka bixitaankoodii saaka ee Ceelbuur iyo kuwii ka sii horeeyay ee
tuulooyin ka tirsan gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Bakool.