Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Soomaliya, ayaa maanta
lagu wareejiyay gaadiid
casri ah oo ku rakiban qalab isgaarsiin, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.
casri ah oo ku rakiban qalab isgaarsiin, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.
Deeqdaan gaadiidka ah ayaa waxaa ka guddoomay hay'adda IOM
agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha G/Sare Maxamed Adam
Jimcaale Koofi.
Munaasabadii wareejinta deeqdaan oo ka dhacday magaalada Kismaayo
ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan
iyo xubno ka tirsan hey’adda IOM.
Gawaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo
intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray, waxaana ay gawaaridan
sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda
ay isku dayaan in ay ka gudban Xaduudaha.
Waxa ay sidoo kale sahlayaan in si dhaqsi ah loo ogaado dadka
shark darada ku gudbaya xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha
gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.