Kooxda
la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka
dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama
Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.
Intaas
ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay
dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka
xuquuqda aadanaha u dooda.
Dawladda
Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan
Haddii
la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu
waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka
sokeeye billawday lix sano ka hor.