Kooxda "Dawladda Islaamka" oo sheegatay weerarkii Paris

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in askari boolis ah toogasho lagu dilay laba kalena lagu dhaawacay badhtamaha Paris, iyo in sidoo kale ay ciidanka nabad gelyadu dileen ninkii askarta soo weeraray.
Boolisku waxay sheegeen in nin dabley ah oo kelidii ahaa rasaas ku furay askarta ka hor intii aan isagana la dilin isaga oo is leh goobta ka baxso, waxaana boolisku xidheen gooba weerarku ka dhacay oo ah Champs-Elysees.
Madaxweyne Francois Hollande ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in weerarku ahaa mid "agagixiso xidhiidh la leh".
Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegtay in mid ka mid ah "dagaalyahannadeedu" uu weerarkaa qaaday.
Ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku, ayaa mitidnimada Islaamiyiintu waxay noqotay arrin aad loogaga doodayey ololaha doorashada. Weeraradii u dambeeyey ee ay sheegatay kooxda Dawladda Islaamku waxa ku dhintay 238 qof tan iyo sannadkii 2015-kii sida ay tibaaxday xog laga helay wakaaladda wararka AFP.
Dhawr ka mid ah musharaxiinta ka qayb galaya tartanka doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa ololohoodii joojiyey si ay u muujiyaan tixgalinta ay u hayaan shacabka iyo xukuumadda Faransiiska. Musharaxa xisbiga midig dhexe, Farancois Fillon, ayaa sidoo kale ugu baaqay musharaxiinta kale in ay tallaabo tooda la mid ah qaadaan.
"Sida ay u muuqato, askarta booliska ah si ula kac ah ayaa loo bartilmaameedsaday" ayuu yidhi af-hayeenka wasaaradda arimaha gudaha, Pierre-Henry Brandet.
Madaxweyne Holland ayaa ka dib markii uu kulan degdeg ah la yeeshay ra'isal wasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha, wuxu sheegay in qaranku taageero buuxda la garab taaganyahay ciidamada nabad gelyada isla markaana maamuus qaran lagu aasi doono askarta booliska ah ee la dilay.
Waxaanu intaa ku daray in uu aroornimada Jimcaha ah kulan la yeelan doono golihiisa nabadgelyada ee xukuumadiisa.
Weriyaha BBC-da, Hugh Schofield, ayaa ku soo waramaya in Champs-Elysees oo dunida aad looga yaqaan dad aad u badanina dalxiis u tagaan muddo dheer loo arkayey in ay noqon karto goob la bartilmaameedsan karo.
Qiyastii saacaddu markii ay ahayd 9:00 habeenimo xiliga Paris ayaa nin baabuurkii uu watay soo ag joojiyey bas yar oo boolisku leeyihiin ka dibna rasaas ayuu ku furay, ayuu yidhi Mr Brandet oo ah af-hayeenka wasaaradda arimaha guduhu.
XULKA-TODOBADKA