(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Madaxweynaha
Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho xalay uga bilaabatay
magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga Imaaraadka ayaa maanta waxa uu booqday qabrisha Aabaha dhidibada u aasay dalka Isutagga Imaaraadka Sheekh Zayed kaas oo ku yaal magaalada Abu Dhabi.
magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga Imaaraadka ayaa maanta waxa uu booqday qabrisha Aabaha dhidibada u aasay dalka Isutagga Imaaraadka Sheekh Zayed kaas oo ku yaal magaalada Abu Dhabi.
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Madaxweynaha
iyo wafddigiisa oo ay wehliyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Abu Dhabi ayaa
waxa ay u soo duceeyeen Sheekha, waana astaan caadi ka ah Abu Dhabi marka
masuul waddan kale oo Muslim ah yimaadi dalka uu booqdo qabriga Sheekh Zayed.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa booqasho caalami ah ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka,
waxaana uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhaxal-sugaha boqoltooyada Abu
Dhabi Sheik Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo sidoo kale ah taliye ku xigeenka
ciidanka guud ee dalka Isutagga Imaaraadka (UAE).
Labada
dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo
sii xoojin lahaa iyo arrimo kale.

