Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh
Maxamed
Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb
galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka
ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo
Xildhibaano. Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada
Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay
talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.
Wasiirka Arrimaha
Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an
tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.
Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb
galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska
lagu mideynayo Ahlusuna iyo
Galmudug oo dhowaan dhici doona.
30-ka bishan ayaa
lagu wadaa in magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug,
iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlusuna qeyb ka noqon doonto
doorashada.