qaaday dad rayid ah maalmo ka hor kaas oo lagu eedeyay xukuumadda Bashar al-Assad. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan boqol ruux.
Sida ay wararku sheegayaan, 56 gantaal oo nooca Tomahawk loo yaqaan, ayaa laga soo ridey maraakiib kuwa bur burayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka, waxayna ku dhaceen xarrumo la sheegay inay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Siiriya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku eegteen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya maalmo ka hor.
Waxa uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in ay dhacaan weeraro kale oo noocani ah.
Dowladda Ruushka oo saaxiib dhow la ah xukuumadda Suuriya ayaa weerarkaasi ku eedeysay kooxaha kasoo hor jeeda dowladda ee gacan-saarka la leh dowladaha reer galbeedka.