(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay
xaalad degdeg ah oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah
, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.
, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.
Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga
Masar uu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalka oo dhan.
Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu
fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo
Alexandria.
Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa
horay loola beegsaday weerarro noocan ah.
Weerarradan ayaa kusoo beegmay xilli muhiim u ah taariikhda
Masiixiyiinta oo ay xusaan markii nebi Ciise CS uu galay magaalada Qudus.
Baaderi weynaha Catholiga, Pope Francis, oo isu diyaarinaya
in todobaadyada soo socda uu booqdo Masar si uu taageero ugu muujiyo
Masiixiyiinta dalkaasi, ayaa cambaareeyay weerarrada.