Ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ee NISA ayaa soo
bandhigtay meydka labo dabley hubeysnaa oo hoobiyeyaal ku tuuray jihada
garoonka diyaaraddaha iyo xaafadaha ku dhowdhow ee degmada Wadajir.
Dableydaan oo ay toogteen ciidamada NISA ayaa mid ka mid ah
guri dad shacab ah u galay isagoo ka dhex dagaalamay, aakhirkiina la toogtay
iyadoo qoyska guriga deganaa laga badbaadiyay.
Gaarigii ay water dableydaan oo ay saarnaayeen waxyaabaha
qarxa ayaa kaligiis qarxay.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa
sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka, taas oo suurtagal ka
dhigtay in laga hortago maleeshiyadaan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed
ay dhibaato u gaystaan.
Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar
Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas. iyadoo amaanka
magaaladu uu yahay mid faraha kasii baxaya.