WAR DEG DEG AH
Inta la
og yahay ilaa iyo iminka 5 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna waa
ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari
waxyaabaha
qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay maqaayad ka soo hor-jeeda xarunta
wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ee magaalada Muqdisho.
Bur-bur
xooggan ayaasoo gaaray maqaarixidii la hor dhigay gaariga qaraxa oo ku dheggan
Dugsigii Yaasiin Cusmaan ee degmada Boondheere.
Qaraxan
ayaa waxyeelada ugu badan ka soo gaaray dad wadada marayay oo saarnaa gaari,
kuwaasoo ay ku jireen arday.
Saraakiisha
ammaanka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay wadada dhinaceeda, waxaa
maqaayada aheyd mid lagu qaxweeyo oo laga cuno cunto fudud.