Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,
Xasan Cali Kheyrre iyo madaxda maamul
Gobolleedyada dalka ayaa si wada jir ah kulan gaar ah la qaatay guddiga gurmadka abaaraha oo ay ka dhageysteen waxyaabihii u qabsoomay.
Gobolleedyada dalka ayaa si wada jir ah kulan gaar ah la qaatay guddiga gurmadka abaaraha oo ay ka dhageysteen waxyaabihii u qabsoomay.
Madaxda kulankaan ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir.
Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka
abaaraha ayaa tilmaamay in muddadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay
lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si
gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya
Xasan Cali Kheyrre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi,
isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka tarjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay
isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.
“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha,
xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo
saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireenno, si looga faa’iideysto
xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlayay markii uu
soo dhamaaday kulanka.