Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre xeebta Liido u damaashaad tegay


Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha cusub ee
gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xeebta Liido ku baashaalay dhalinyaro ku damaashaadaysay xeebta, kuwaasi oo ay ku jireen qurba joog dalka ku laabtay.


Ra'iisul wasaare Kheyre iyo Taabit ayaa dhalinyarada ka dhageystay sida ay ugu faraxsan yihiin inay damaashaad u yimaadaan Liido, waxayna halkaasi Kheyre iyo Taabit ku daawadeen ciyaaro janeestiko ah oo dhalinyarada ay soo bandhigeen. Intii uu ra'iisul wasaaraha ku sugnaa xeebta Liido ayaa amaanka waqooyiga Muqdisho ilaa madaxtooyada aad loo adkeeyay, iyadoo dadka laga hakiyay isu socodka.
XULKA-TODOBADKA