Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee dowladda
Faderaalka ee Soomaaliya Mudane, Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa
maanta munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane, Maxamed Cumar Carteh Qaalib.
maanta munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane, Maxamed Cumar Carteh Qaalib.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa u
mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada
uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay
in horey loo sii ambaqaado.
Mudane,
Maxamed Cumar Carteh ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare ku
xigeenka cusub Xilka isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha
horyaala, maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha
Soomaaliya ka Jira.


