lagaga hadlay xaalada abaaraha Soomaaliya gaar ahaana deegaanada Jubbaland iyo sidii UK gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.
Waxaa sidoo kale kulankaan la iskula soo qaaday arimaha amaanka, wuxuuna danjire David Concar ku amaanay maamulka Jubbaland sida ay ugu govan tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada Al-Shabaab.
Dhinaca Siyaasada ayay sidoo kale Masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa dowlada cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowlada Ingiriiska ee ah in ay kasoo qayb gasho Shirka dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furie donna magaalada London.
- Posted at 14/04/2017 10:37:00 By Webmaster
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay yeeshan madaxweynaha Jubbaland iyo danjiraha cusub ee Ingriiska ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha Soomaaliya gaar ahaana deegaanada Jubbaland iyo sidii UK gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.
Waxaa sidoo kale kulankaan la iskula soo qaaday arimaha amaanka, wuxuuna danjire David Concar ku amaanay maamulka Jubbaland sida ay ugu govan tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada Al-Shabaab.
Dhinaca Siyaasada ayay sidoo kale Masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa dowlada cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowlada Ingiriiska ee ah in ay kasoo qayb gasho Shirka dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furie donna magaalada London.
Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo maanta madaxda maamulada dalka ku yeelnayaan Villa Somalia, kazoo looga hadlayo xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe, arrimaha amniga iyo sidii si wada jir ah mowqif mideysan ula tegi lahaayeen shirka London.