Wararka ka
imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dooni kuwa ganacsiga ah lagu afduubay
xeebaha Soomaaliya,
loona malaynayo in dadka afduubay ay yihiin burcad badeed
Soomaali ah.Doontan ayaa la sheegay inay ka diiwaan gashan tahay dalka Hindiya, waxaana la sheegay inay la socdeen 11 qof oo shaqaale ah, oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay u dhasheen, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay u dhasheen dalka Hindiya.
Doontan ayaa magaceeda lagu sheegay MSV Al Kawsar 2, waxaana la sheegay inay ka timid magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay soo martay Mukalla una socotay magaalada Kismaayo.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in
doontan xilligan lagu hayo meel u dhow xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Maraakiibta caalamiga ah ayaa ayaa la sheegay inay deegaankaasi ka ag-dhow yihiin.
Maraakiibta caalamiga ah ayaa ayaa la sheegay inay deegaankaasi ka ag-dhow yihiin.
Dhinaca kale doon kale oo labaad ayaa la sheegay in maanta laga
afduubay xeebaha Soomaaliya. Doontan labaad ayaan weli la ogayn halka ay ka
diiwaangashan tahay.
John Steed
oo ka tirsan hay'adda Oceans Beyond Piracy ayaa sheegay in doontan labaad uu iska leeyahay
ganacsi u dhashay dalka Pakistan balse aan weli la ogayn shaqaalaga saaran,
halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.
Waa markii afraad ee doonyo lagu afduubo xeebaha Soomaaliya xeebaha Soomaaliya bil gudaheed, waxaana wararku sheegayaan in tallaabooyinkan u muuqdaan soo rogaal-celiska burcad badeedka ay salka ku hayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah, sida ay khubarada qaar ku doodeen.

Budhcad
badeedda doonyahan haysata ayaa la sheegay inaysan weli sheegin waxa ay
doonayaan si ay usii daayaan doonyahaas.