Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf
Garaad Cumar ayaa maanta si kala gooni gooni xafiiskiisa ugu qaabilay Danjiraha
Turkiga u fadhiya Somaaliya iyo Danjiraha Sweden.
“Danjiraha waxaan ugu
hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan
u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada
dal ee saaxiibka ah”ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xafiiskiisa ku
qaabilay Mikael Lindvall oo ah Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya, waxaana ay
ka wada hadleen dhinacyada iskaahsiga labada dal u dhaxeeya.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay
xoojineyso adeega hab maamuuska qaranka, maadaama agaasinkaas uu yahay iridda
saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnabiga ahi ay
tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta
iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn waxaa Danjire Yuusuf Garaad kulankan ku
wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha
Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha
Dibadda.