Dhaqaalihii dowladda kasoo geli jiray qaadka oo u wareegay maamulka Hirshabeelle

Waxaa maalintii labaad diyaarado qaad sida ay ka dageen magaalada Jowhar, oo magaalada
Muqdisho u jirta 90 kg.
Arrintaan ayaa ka danbeysay canshuur kordhin lagu sameeyay ganacsatada qaadka, waxayna go'aansadeen inay magaalada Jowhar u wareejiyaan diyaaraddihii kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gaadiid dheereeya ayaa magaalada Jowhar looga soo qaadaa qaadka, waxayna taasi keentay in waqtigii caadiga xiligii Muqdisho kasoo deji jiray uu dib ugu dhaco saacado.

Ganacsatada ayaa ka cabanayay markii u danbeysay canshuur kordhin dhan 1kg qaad ah lacag dhan 53,000 shiling Soomaali, oo u dhiganta $2.5, halka markii hore lagu canshuuri jiray 43,000 shiling Somali $1.5.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in soo dhoweyn wanaagsan ka heleen mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, isla markaana canshuuro ka jaban midka Muqdisho looga qaadi jiray laga qaaday tan iyo shalay.
XULKA-TODOBADKA