May 2017 waxey
diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen:
1. In la xareeyey ciidankii
isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS
& Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Maamulka Gobolka Benadir
oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen
caasimada.
3. Gobolka Benadir oo
hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka
Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
4. Maamulka Gobolka oo
hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii
caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
1. In la xareeyey ciidankii
isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS
& Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Maamulka Gobolka Benadir
oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen
caasimada.
3. Gobolka Benadir oo
hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka
Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
4. Maamulka Gobolka oo
hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii
caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
5. Ciidanku waxey kaloo
diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo
ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
6. Sidoo kale Ciidanku waxey
diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan
Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan
4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn
AK 47.
7. Ciidanka Booliska oo
diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda
Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
8. Shirkadaha Amniga ee gaarka
loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto
ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
9. Ilaalada Goobaha Ganacsiga
sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan
doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo
wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada
Amniga.
10. Wasaaradaha Amniga,
Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u
dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo
gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
11. Howlgalka xasilinta
Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan
waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku
wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
12. Maamulka Gobolka Banaadar
ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya
Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
13. Wasarada Warfaafinta ee
Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii
saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa
madax-banaan.
14. Caasimada waxaa laga
mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo
aqoonsi.
15. Laga bilaabo 11/May/2017
waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS,
laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.
Dhammaan go’aanadan kor ku
xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.
a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.