Aas qaran oo Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji

Waxaa maanta lagu aasay qabuuro ku dhex yaal isbitaalka Madiina ee magaalada
Muqdsho wasiirkii howlaha guud ee xukuumadda Somalia Cabaas C/llaahi Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah madaxda dowladda oo uu ka mid yahay ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee laarlamaanka, wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula tukadata masjid ku yaalla madaxtooyada Somalia, waxaana ka qeybgalay salaada madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo soo gaabiyay safarkii uu ku tegay Addis Ababa iyo madaxda kale ee Qaranka, kadib waxaa loo qaaday qabuuraha isbitaal Madiina, halkaasi oo lagu aasay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha sheegay in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.


Dowladda federaalka ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo maalmo loogu baroor diiqayo marxuumka, iyadoo raggii ka danbeeyay ee ka tirsanaa ilaalada hanti dhowrka guud ee falkaan geystay maxkamadda ciidamada xabsiga.
XULKA-TODOBADKA