Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyey
goob wax lagu barayey hablo ka soo noqday wadamada qurbaha, halkaasna waxay ka
soo qabqabteen hablihii ku sugnaa dugsigaas waxbarasho oo ahaa dugsi xanaano ah
ama ardaydu seexdaan.
Dugsigan oo waalidiinta hablaha dhalay ay sheegeen in lagu
baranayey arrimaha diinta, ayaa ahaa mid loogu talo galay in hablaha qurbaha ka
soo laabtay ay ka helaan adeeg waxbarasho, hase ahaatee mid ka mida hablaha
dugsigan wax ka baranaysay ayaa ka baxsatay.
Ehelada hablaha ay lamaaha ammaanka Somaliland gacanta ku
dhigeen ayaa sheegay, in gabadha dugsiga ka baxsatay ay sheegtay in dugsigaas
hablaha lagu waxyeelleeyo, taasina ay horseedday in ciidamo ka tirsan booliska
Somaliland inay dugsigaas tagaan oo soo kaxaystaan hablihii dugsigaas ku jiray.
Waalidiinta ayaa sheegay in hawlgalka ay sameeyeen laamaha
ammaanka Somaliland inay ka dambeeyeen masuuliyiinta ajnebiga ah ee dalalka
hablahaasi dhalashadooda haystaan, u jooga magaalada Hargeisa.
Illaa haatan faahfaahin badan lagama bixinin tirada hablaha
ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee Somaliland, hase ahaatee waalidiinta
ayaa u sheegay warbaahinta in qaar ka mida hablahaas haatanba loo diyaariyey in
loo celiyo dalka Denmark oo ay haysteen dhalashadooda.
Hablahan ayaa da’doodu u dhexeysaa 15 jir illaa 20 jir,
waxaana waalidiintu ay sheegeen in la weydiinayo hablahaas in loo celiyo
dalalka ay dhalashadooda haystaan, taasina ay walaac ka muujiyeen in iyaga oo
aan la kulmin in dib loogu celiyo dalalka ay hablahani ka haystaan dhalashada.
Waalidiinta iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland
ayaa kulan ku yeeshay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku taalla magaalada
Hargeisa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay warbaahinta inay
wadahadal yeesheen waalidiinta hablahan isla markaana ay gaadheen isfaham.