Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay
doorashadii madaxtinnimada Faransiiska, isagoo ka guuleystay haweeneydka
Xisbiga Midigta fog ee NF, Marine Le Pen.
Siyaasigaan 39 sano jirka ayaa ku
guuleystay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la
tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.
Macron
ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa
madaxweynihii ugu da'da yaraa ee soo mara Faransiiska.
Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu
horeeyay tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu
waaweyn Faransiiska.
"Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga
aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah," ayuu yiri madaxweynaha cusub,
asagoo wacad ku maray in shanta sano ee soo socota uu ka shaqeyn doono mideynta
shacabka dalkiisa.
Kumannaan
taageerayaasha Macron ah ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimadda Paris,
halkaas oo uu kula hadlay madaxweynaha cusub.
Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay
Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.
Ammaanka caasimadda Paris iyo qeybaha kale ee dalka
ayaa weli si weyn loo sugayaa.