Ergayga Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire
Maxamed Cabdalla Idriis oo
muddada xileedkiisa shaqo ay ka dhamaatay ayaa waxaa laga macsalaameeyay magaalada Muqdisho.
muddada xileedkiisa shaqo ay ka dhamaatay ayaa waxaa laga macsalaameeyay magaalada Muqdisho.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa
mas'uulkani u qabtay xaflad qado sharaf ah.
Xafladda qado sharafta ee lagu sagootinayay Ambassador
Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo
Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo
kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee
Soomaaliya.
Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa ka mahad celiyay
xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in
dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ku lahaayeen
Caasimadda Muqdisho 26 sano kahor.