Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa
xalay yeeshay kulan deg-deg ah
oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha
Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka
mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha
wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku
timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska
oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
Golahu waxey
qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo
aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu da’da yar
ee xubnaha golaha wasiirada, waxuuna tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.
Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista
socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer
Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay
u xiranyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo
baaristooda.
Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii
falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha
Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale
iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen
oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee
Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka
Hanti-Dhowrka Guud.
Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen
Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda ee ku aadan sidii
amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa. Warbixintaas ka dib, golaha waxey ka
doodeen tallooyinka ay soo jeediyeen taliyeyaasha, waxeyna go’aamiyeen in
golaha wasiirada la hor-keeno qorshe dhameystiran ee lagu sugayo amniga kasoo
bilow u ah geedi socodka nabadeynta dalka.
Ugu danbeyn, Golaha ayaa tacsi u diray Ehelladii iyo
asxaabtii uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Jaamac Sifir,
oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen kuna geeriyooday dalka
Mareykanka. Wuxuuna Goluhu ALLAH uga baryey marxuumka in jannadiisa Firdowso uu
ka waraabiyo.