Heerka nafaqadarrada carruurta Soomaaliya oo sare u kacday 50%

Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta eeUNICEF ayaa ku qiyaastay tirada carruurta Soomaaliya ku nool ee ay ku
dhacday nafaqadarrada
inay gaartay 1.4 million, taasoo ka dhigan sare u kac 50% ah, tan iyo billowgii sandkan.

UNICEF waxay sheegtay in rubuc milyan ka mid ah tirdaasi ay u dhibaatoonayaan macaluul khatar gelin karto noloshooda taas oo u nugleysay inay ku dhacaan cudurro ay u dhiman karaan sida kalooraha iyo jadeecada.
Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaartii ugu darneyd mudo tobonan sano ah.
UNICEF waxa ay sheegtay in roobka sandlaha ee bilaawdo inta u dhaxeyso bilaha April iyo June ay si tartiib ah u bilaawdeen kaas oo nafis siiyay qeybo ka mid ah dalka.

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011 marakasoo kumanaan qof ay dhinteen.
XULKA-TODOBADKA