Madaxda sare ee dowladda oo ka qeybgalay xuska midowga Yurub oo lagu qabtay xarunta safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ahna kusimaha madaxweynaha, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo
mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa ka qeybgalay xafladda sanadguurada 60aad ee Midowga Yurub oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka AMISOM ee Xalane.
Sagaalka May oo sanad walba
midowga Yurub u kabaal dego sanad guuradiisiisii 60-aad ayaa sanad walba lagu
qabtaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta safaaradda Talyaaniga
Sidoo
kale, xubnihii ka qeybgalay xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha
gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabith.
Guddoomiye Jawaari ayaa hambalyo u diray
dalalka ku mideysan midowga Yurub, isagoona ugu mahad celiyay taageerada ay
siiyaan Somalia.
Midowga Yurub ayaa xafiis
weyn ku leh Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane, halkaasi oo ay ka howlgalaan
ciidamo taageera dowladda iyo ururo caalami ah.