Wafdi uu hoggaaminayo
madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi
Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar maalmihii u dambeeyay ay ugu maqnaayeen magaalada London oo uu ka furmay shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayay.
Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar maalmihii u dambeeyay ay ugu maqnaayeen magaalada London oo uu ka furmay shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo
dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana loo galbiyay xarunta
badaxtooyada.
Magaalada London ayuu
madaxweynaha iyo wafdigiisa uga qeyb-galeen shir ay isugu yimaadeen in ka badan
40 dowladeed iyo hay`ado kale kaas oo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid
yihiin dhismaha ciidanka qaranka, ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha, iyo
bani’aadanimada.
