Mareykanka oo hubka difaaca gantaallada uu ku rakibay Kuuriyada Koonfureed ku sheegay kuwo shaqaynaya

Milatariga dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu shaqaynayo "hubka gantaalada la isaga difaaco ee Thaad loo yaqaano" ee ay ku rakibeen Kuuriyada Koonfureed.
Muran ayaa ka dhashay rakibaadda maraykanka ee habkaas Thaad loo yaqaanno.
Afhayeen u hadlay milatariga Maraykanka ayaa sheegay in habkaasi uu hadda awoodo in uu qabto gantaalada Kuuriyada Waqooyi iyo in uu difaaco Koonfurta.

Laakiin saraakiisha ayaa saxafiyiinta u sheegay in ay bilooyin qaadan doonto in uu si buuxda u hawlgalo
Dareenka ka taagan agagaarka gacanka Kuuriya ayaa sare u sii kacaya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ku celcelisay hanjabaadeeda ayna halkaas gaareen maraakiibta dagaalka iyo gujisyada dalka Maraykanka.
Labo diyaaradood oo kuwa bambooyinka tuura ah oo uu Maraykanku leeyahay ayaa Isniintii dhoolatus la sameeyay diyaaradaha dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed, arrintaas oo Maraykanku ay ku tilmaameen arrin si joogto ah loo sameeyo.
XULKA-TODOBADKA