Xildhibaan
Idiris Cabdi Taktar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka
hadlay xildhibaanada mucaarad ah ee ku dhawaaqay xisbiga Horusocod.
Xildhibaanka ayaa sheegay in
isaga ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka ee markii ugu horeysay mooshinka
ka keenay magacaabidii ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, balse qof
kastaa aragtidiisa ay isbadli karto.
Xildhibaanada Mucaaradka ah
ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaa danta ummada Soomaaliyeed oo xiligan aan la
joogin waqtigii la mucaaradi lahaa dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in
xiligan xildhibaanada ku deg degayaan mucaaradnimada ay keeneen, sida uu
sheegay.
“Aniga waxaan kamid ahaa
dadkii mooshinka ka keenay xukuumadii ra’iisul wasaaraha, laakiin xiligan ma
qabo in la deg dego oo dadka la walaaciyo, waxaa wanaagsan in laga fiirsado wax
walbaa”