Mas'uuliyiin
ka tirsanaa maamulkii Obama ayaa sheegay in madaxweynaha hore uu digniintan
Trump u jeediyay wax ka yar 48 saac markii uu ku guulaystay doorashadii
madaxtinnimada ee dhacday bishii November 2016.
Mr
Flynn ayaa bishii February laga qaaday xilka lataliyaha ammaanka qaranka oo uu
Trump u ahaa, ka dib markii lagu helay in uu ka been sheegay xiriir uu ula
sameeyay safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka.
Xoghayaha
saxaafadda ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in "ay dhab tahay in
madaxweyne Obama uu muujiyay sida aanu u taageersanayn jeneraal Flynn,"
balse waxa uu intaa ku daray in taasi aanay la yaab lahayn maadaama uu
jeneraalka usoo shaqeeyay Obama, markii dambana uu dhaliilay sida uu
madaxweynahaasi u wajahayo khatarta kusoo foolka leh Maraykanka.
Maamulka
Obama ayaa sanadkii 2014 xilka ka qaaday Mr Flynn, oo ahaa madaxa laanta
sirdoonka gaashaandhigga, asagoo lagu eedeeyay maamul xumo iyo xanaaq badan.
Obama
ayaa la sheegay in uu rumaysnaa in Mr Flynn aanu u qalmin xil sare.